Sign in to follow this  
Deeq A.

Amarka Farmaajo caawa kasoo baxay ma waxaa lagu beegsanayaa Rooble?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Hadal hayn badan ayaa ka dhalatay amar caawa kasoo baxay madaxweyne Farmaajo oo lagu sheegay in hay’adaha dowladda, oo ay ku jirto xukuumadda, laga reebay inay galaan wax heshiisyo ah xilliga doorashada. 

Waxaa xeerka Farmaajo si gaar ah loogu sheegay “in laga reebay xukuumadda iyo hay’adaha dowladda inay galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalkeenna, iyo ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka dalka lagu guda jiro.”

Waxaa durba soo baxay warar sheegaya in amarkan lagu beegsanayo ra’iisul wasaare Maxamed Xasan Rooble, si looga hortago heshiis ganacsi oo uu la geli rabo dowladda Kenya, si xiriirka labada dal loo hagaajiyo, marka uu Talaadada u safro Nairobi. 

Xildhibaan Mahad Salaad ayaa soo saaray qoraal uu fasiraad kaga bixinayo dikreetada Farmaajo, isagoo ku macneeyey mid loogu dan lahaa Ra’iisul wasaare Rooble.

Mahad Salaad oo qoraal ka soo saaray arrintaan waxa uu sheegay in Farmaajo shalay uu soo abaabulay warar been abuur ah oo laga faafiyey Rooble, balse markii ay taasi u socon weysay uu caawa afka furtay, sida uu hadalka u dhigay.

“Duqa haloo sheego qaylodhaantiisa iyo propagandada uu faafinayo ee boor isku qariska ah in aysan waxaba u dhibi karin safarka beri ay ku imaanayso magaalada Muqdisho Wasiirada Arimaha Dibeda Kenya, safarkaas oo qayb ka ah dadaalada Ra’iisul Wasaare Rooble wado ee lagu hagaajinayo xiriirka soo jireenka ah ee ka dhaxeeya labada dal. Isaguna caawa siyaasada dalka uu marti uga yahay Ra’iisul Wasaare Rooble,” ayuu Mahad Salaad qoraalkiisa ku yiri.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Rooble uu doonayo inuu dib u fasaxo qaadka Kenya oo ay horey u xayirtay xukuumadda, si qaadka dalka Ethiopia loogu furo ganacsato ehel la ah madaxweynaha iyo kuwa kale.

Rooble ayaa waxaa bilihii tegay cadaadis xooggan saarayey ganacsatadii horey u keeni jiray qaadka oo ka codsaday in ganacsiga qaadka laga dhigo mid xor ah, oo aan dad gaar ah u xirneyn, taasi oo sida la sheegay uu Rooble aqbalay.

Dhinaca kale, waxaa xusid mudan in wareegtada uu caawa soo saaray madaxweyne Farmaajo ee xadidaadda awoodaha hey’adaha Dowladdda ay ka dalbanayeen musharaxiinta mucaaradka, tan iyo markii uu muddo xileedkiisu dhammaaday 7-dii Febraayo 2021. 

Sidaas darteed, waxaa is-weydiin mudan maxaa kusoo beegay caawa iyo kahor safarka Rooble uu Talaadada ku tegayo Nairobi? 

The post Amarka Farmaajo caawa kasoo baxay ma waxaa lagu beegsanayaa Rooble? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this