Sign in to follow this  
Deeq A.

Xukuumadda Rooble oo laga joojiyay gelitaanka heshiisyada iyo is af-garadyada

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16283637432388024.jpg?resize=720%


Madaxweynaha dowadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xeer madaxweyne ku joojiyay in hay’adaha dowladda ay galaan heshiis ama is af-garad kasta oo taabanaya siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Wareegto ka soo baxday Villa Somalia ayaa lagu hakiyey, ilaa doorashada kaddib, heshiisyada hay’adaha dowladda federaalka Soomaaliya sida xukuumadda iyo laamaha kale ee fulintu ay la galayaan dalalka kale, hay’adaha iyo shirkadaha caalamiga ah.

Wareegtada waxaa lagu xusay in ay reebban tahay ilaa doorashada kaddib, in wasaaradaha iyo hay’adaha kale ee dowladda ay magaca dowladda federaalka Soomaaliya ku galaan is-afgarad ama wadahadallo saameynaya mustaqbalka dalka, madaxbannaanida qaranka, seeraha dhuleed iyo badeed ee dalka.

Sidoo kale waxaa la joojiyay in heshiis ama is-afgarad ganacsi lala galo dowlado kale inta doorashooyinka lagu guda jiro.

FB_IMG_16283656893986395.jpg?resize=720%

PUTNLAND POST

The post Xukuumadda Rooble oo laga joojiyay gelitaanka heshiisyada iyo is af-garadyada appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this