Deeq A. Posted August 7, 2021 BISMILAHA, waxa ammaan iyo mahad idilkeed xaq u yeeshay Rabbiga igu galladay nimcooyinka tiro beelka ah ee ay ka midka yihiin; miyirka, maanka, tamarta, haleelka iyo caafimaadka aan buuggan ku akhriyay, kuna gorfeeyay. Hawaale-warran waxa qoray, Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” wuxuu ka kooban yahay 235 bog, waxa daabacday shirkadda Sagal-jet, 2021.Hargeysa-Somaliland. Waxa aan Hawaale-warran u akhriyay si aanan buug kale u akhriyin iyada oo ujeedkaygu yahay bal in aan si qoto-dheer u fahmo nuxurka dhambaallada buuggu xambaarsan yahay. Sababtuna waxay ahayd in uu dhiganahan qalinka u qaatay qofka aan ugu jeclahay hal-abuurka Soomaaliyeed ee nool, waa mufaker, filasoof iyo abwaan Maxamed Ibraahim Warsame “Hadraawi” Mugga culayska shakhsiyaddiisa iyo filashadayda karkaarrada jabisay ayaa igu dirqiyay in aan awooddayda ugu sarreysa ee dhugasho” Concentration power” u adeegsado akhriska iyo fahanka buuggan. Hadda ba, aniga oo dhawraya asluubta wanaagsan ee gorfeynta, buugga iyo akhristahana fursad isku siin doona, waxa aan ku ibo-furayaa weydiimahan iyo war-celintooda. S. Madaha xayn-daabka akhristayaasha buuggu xagguu dhacaa? Si kale haddaan u dhigno buuggu yuu la hadlayaa? J. Buuggu wuxuu guud ahaan la hadlayaa ummadda Soomaaliyeed ee gayiga ku nool, walaw meelaha qaar uu deegaanno gaar ka hadlayo sida Somaliland hadda na ma badna. S. Aragtiyaha Falsafadeed ee buugga Hawaale-warran ku dhisan yahay bartay kaga jiraan suugaanta abwaanka? J. Aniga oo badiyaa suugaanta Hadraawi xiftiyay, dhagaystay ama akhriyay markaan Hawaale-warran fahmay ayaan dib ugu noqday xusuus-dhawrka maskaxdayda bal si aan uga fakero aragtiyaha buuggu ilaha ay ka soo burqadeen marka dib luugu noqdo suugaanta Hadraawi. Falsafadaha saddex maanso ayaa hadheeyay buugga kuwaas oo kala ah; 1. Daba-huwan, 2. Sirta nolosha, 3. Iyo afku siran. S. Maxaan ku bogaadinayaa Hadraawi ee aan u arkaa dhaxal ummaddeed oo uu reebay? J. Kun arrimood oo wanaagsan oo bogaadin istaahila ayuu Hadraawi ummaddiisa uga tagaye si gaar ah waxaan ugu bogaadinayaa in qayb-qaatay korinta iyo kobcinta garaadka ummadda ma garanayo shaqo ka weyn oo hal-abuurka u taal. S. Maxaan kaga aragti duwanahay Hadraawi? J. Aragtiyaha buugga ku qoran ee aanan ku qancin qof ahaan duuduub ayaan meel u dhigayaa sababo jira awgood. Hasa yeeshee, laba qodob lama-huraan baan u arkay xuskood kuwaas oo kala ah; Aragtida Hadraawi ee dhaqankii Soomaalida xoolo-raacato guurtada ahayd ka dhigaya CEEB KA SALIIMKA. Kaasi oo aan qof ahaan qabo in dhaqankaasi meelo badan ceeb ku lahaa waanay furan tahay in la duri karo ceebaha dhaqanka “Cultural Critique” Sida buugga ka muuqatana Hadraawi wuxuu sababaynayaa ceebaha dhaqanka isaga oo door-bidaya in uu difaaco. Tusaale; a. Garaacista haweenka, b. Gudniinka, c. Duudsiga haweenka IWL. Aragtida Hadraawi ee gumaystaha reer Galbeed taasi oo dhalliishooda in uu ku talax-tago mooyaane aanu xusayn sida uu arko in xalku ku jiro iyo iyaga waa reer Galbeedka’e maxay ku wanaagsan yihiin ee laga qaadan karaa? S. Farriinta buuggu maxay tahay? J. Farriinta buuggu waa in la daba qabateeyo taariikhdii, aqoontii, aftahammadii Soomaalidu lahaan jirtay. QODOBBADA XIISAHA LEH EE BUUGGA. Buuggu sawir wanaagsan oo farshaxannimo ka muuqato ka bixinayaa geeddiga nololeed ee qof inta u dhaxaysa dhalasho ilaa dhimasho. Buuggu wuxuu sawir ka bixinayaa noloshii xoolo-dhaqato guurto ee Soomaalida isaga oo ku talax-tagaya ammaanteeda iyo xuska wanaaggeeda. Buuggu wuxuu ka jawaabayaa; 1. Gabdhaha ma la gumaysan jiray? 2. Gabdhaha ma la dili jiray? 3. Gabdhaha ma la duudsiyi jiray? 4. Gabdhaha ma dulmi jiray? Buuggu wuxuu bogaadinayaa jilibaabka haweenku xidhaan isaga oo saluug ka muujinaya meelo dib u eegis sixitaan u baahan in ay jiraan. Hal ku dhagyada buugga ee aan la ashqaraaray waxa ka mid ah; ” Haddii anshaxu lumo waxa yimaadda jahli sababa in qofku dareenka dadnimo ka guuro.” Hadraawi. Dhallaanka iyo qurbaha. Qodbidda gabdhaha. Rumaysnaanta ummaddu aamintay haddii aan aqoonsi la helin in aan waxba la qabsan karin. Buuggu wuxuu sawir ka bixinayaa geeddiyadii nolosha bani’aadamka kuwaas oo uu saddex ku soo koobayo, waxaanay aragtidaas ka midaysan yihiin qaar ka mid ah culimada ku talax-tagtay “Anthrapology” kuwaas oo iyana marxaladaha nolosha bani’aadamka saddex darajo in ay soo martay ku sheega, kuwaas oo kala ah; b. Hunting and gathering. t. Postralism. j. Firming and agriculture. Hadraawina sidan ayuu u dhigay, waxaanu yidhi; ” Beri baa dadku ba qaawanaa, dibed ku noolaaye, Ooy daaqayeen cawska iyo, darista geeda’e, Dareemada marbay ugu koreen, duudka buuraha’e, Dalan-baabi iyo guul-darriyo, doogga cuniddiisa, Dan baa galisay inay raadiyaan, nolol ka doorroone, Dugsi iyo markii ay heleen, dab u iftiimaaya, Ugaadhiyo markii ay dabteen, Deeradiyo Cawsha, Duunyada markii ay dhaqdeen, bahalihii duurka, Beeraha markii ay dageen, oradkii may dayne, Damac baa hoggaanka u qabtoo, door labaad raraye. Ugu dambayn waxa aan bogaadinayaa cid kasta oo wax ku lahayd dadaalladii uu ku soo baxay dhaxalkan ummaddeed ee ma-guuraanka ahi gaar ahaanna waxaan u hambalyaynayaa Muhammad Suleiman oo qayb libaax ku lahaa soo bixista buuggan xil weynna dhabarka u ritay oo is-qaam, garasho iyo gobonnimo ku dhisan wixii sixitaan, soo jeedin iyo qabyo-tiri aan talo uga hayno na aan ku hagaajin doono. W/Q Cabdinaasir Axmed Abraham Source Share this post Link to post Share on other sites