Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii afaraad abaal-marisay 1000 macaamiil

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa Toddobaadkii 4-aad abaalmarisay ku dhawaad 1,000 qof oo macaamiisheeda ka mid ah,  kuwaas oo ku guuleystay hadiyado qaali ah.

Macaamiisha la abaalmariyay ayaa kala jooga guud ahaan gobollada dalka , gaar ahaan degmooyin ay ka mid yihiin Waaberi, Luuq, Tuulo-barwaaqo, Kaxda, Kuntuwaareey, Hiliwaa, Qansax-dheere iyo Af-madow. Waxaana todobaadkan oo ahaa kii 4-aad ee abaalmarinada Somtel lagu guuleystay hadiyado ay ka mid yihiin Bajaajyo, Laptops, Qasaalado, Firinjeero, TV-screens, Ipads, Dahab iyo agabyo kale oo muhiim ah.

Munaasabada macaamiisha lagu abaalmarinayay todobaadkan waxaa goob-joog ka ahaa mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminayey Cali Sheekh Cabdullahi (Afgooye), Xildhibaano ka socdal dowlad gobaleedka HirShabeelle, Mas’uuliyiin ka socotay maamulka gobalka Banaadir iyo maamulka shirkadda Somtel.

Mas’uuliyiinta ka soo qeyb gashay munaasabadda ayaa si wadajir ah abaalmarinada u gudoonsiiyey dadka ku guuleystay hadiyadaha ay todobaadkan bixisay Somtel, halku dhigguna waxa uu ahaa “Ku Shubo oo Guuleyso 10,000 Hadiyadood.”

Jamaad oo ah gabadhii labaad ee joogta Gobalka Banaadir, kuna guuleystay Bajaaj ayaa markii la gudoonsiiyey abaalmarintaas kadib waxay tiri, “Aniga marna ma filaneynin hadiyad caynkaan ah inaan ku guuleystay, waxay igu noqotay la yaaab markii la i soo wacay shirkaduna ii xaqiijisay Inan Bajaaj ku guuleystay, waxaan ku shubtay $1 oo Internet iyo ku hal aan u isticmaalay waa Alle Mahadiis, hadii ay Somtel i abaalmarisay.”

Waxaa Sidoo kale todobaadkaan Bajaaj ku guuleystay Ibraahim Macalin Niishow  oo ku nool degmada Luuq ee Gobalka Gedo.

“Waan ku faraxsanahay in Somtel Bajaaj I gudoonsiiso xaqiiqdii baahi farabadan ayaan u qabay mana filey in Somtel ay igudoonsiineyso. Somtel waxa ay dabooshay baahideyd gaark ah iyo mida qoyskeyga, intaba Alle  haka abaalmariyo shirkadda dadweynaha Somtel Somalia,” ayuu yiri Ibraahim Macalin Niishow.

Sidoo kale Yusra Cali Adan oo ku guuleysatay 10g oo Dahab ah ayaa aad ugu mahad-celisay shirkadda isgaarsiinta Somtel, “Waxaan ku faraxsanahay in Somtel I abaalmariso, anigoo  aan ku shubasho fara-badan aan sameyn waa nasiib xaqiiqdii waan sii labalaabi doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel,” ayey tiri Yusra.

Ugu dambeyntii  Cabdullahi Muuse Maxamed  oo ku guuleystay Mobile Samsung ah ayey shirkaddu todobaadkaan gudoonsiisay Mobile casriga ah, waxuuna yiri, “Waxaan ku fikirayay inan iibsado Mobile cusub lacagteyda wey ii baaqatay waxaan rajeynayaa inaan baahiyaha kale uga faa’ideysto Lacagta aan horay ugu talagalay inaan Mobile ku iibsado.”

Hadiyadaha ay shirkaddu todobaadka 4-aad macaamiisha ku abaalmarisay waxaa qeyb ka ah Qasaalad, Fridge, eDahab Cash, Ipads iyo hadiyado kale qaali ah.

Hadiyadaha Gaadiidka Bajaajka ay Somtel bixisay todobaadkan 4aad ayaa waxay shaqo abuur u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo qoysaska danyar ah, kuwaas oo u baahan garab iyo hiilo uga timaada ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkadda Somtel waxay noqotay Shirkadii ganacsi ee ugu horeysay oo 10,000 oo hadiyadood dib ugu celisay macaamiisheeda, kuwaas oo Todobaad kasta maalinta Jimcaha ay shirkaddu si toos ah u abaalmariso guuleystayaasha todobaadkaas.

Todobaadka soo socdo, gaar ahaan maalinta Jimcaha ah ee 13-08-2021 ayaa lagu wadaa in Somtel ay gaari Hyundai oo qiimihiisu yahay ku dhawaad $40,000 ay ku abaalmariso mid ka mid ah guuleystayaasheeda, sida ay shaaciyeen maamulka Shirkadda isgaarsiinta Somtel.

40769103-3bfa-4c08-a3e8-8f68ed6394b5.jpe 8764a503-8e27-45ec-95f5-98e8d6677aa3.jpe 3de6fea8-49fe-47f3-ae12-48b0057e06a0.jpe 6b22ea5d-dfcf-4a81-99ea-b27b84a86718.jpe 2d8eaa66-467e-47e5-9451-0c0a8701e67a.jpe d003878e-cbd5-401c-a9ec-853d871339ec.jpe 0be0c265-4d80-48f1-9579-56c6fc083a17.jpe 06d0e511-d58f-4366-acf0-7743434811fc.jpe 606a078d-ffb7-49a6-a4b3-0a57ce3249c9.jpe d387b4fc-3008-467e-9263-d61206aa0b97.jpe 64da7cb8-517c-4820-adb3-7c2d854abd3d.jpe

The post Sawirro: Shirkadda Somtel oo toddobaadkii afaraad abaal-marisay 1000 macaamiil appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this