Sign in to follow this  
Deeq A.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga gobollada waqooyi oo guddoomiye doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho ( Caasimada Online) – Afar xubnood oo ka mid ah guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ayaa maanta doortay gudoomiye iyo gudoomiye ku-xigeen ka dib markii maanta guddiga doorashooyinka garabka Ra’iisul wasaare ku xigeenka ay doorteen guddoon cusub.

Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga maamulaya xulista kuraasta gobolada waqooyi ayaa mar kale gudoomiye u doortey Suleyman Caydiid Cismaan, halka ay ku xigeenkana u xusheen Cabdishakuur Abiib Hayir.

Talaabadan waxay u muuqataa mid ay uga jawaabayaan coddeynta Sabtida maanta ah ka dhacdey Teendhada Afasiyooni ee xukuumada xil-gaarsiinta iyo guddiga doorashooyinka heer federaal ay garwadeenka ka wada ahaayeen.

Khadar Xiriir Xuseen ayaa loo xushay guddoomiyaha guddiga ee garabka Mahdi Guuleed, halka Najiib Xuseen Samatar uu kusoo baxay ku xigeenka kadib markii uu ka adkaadey Amaal, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka heer federaal.

Qodobka ugu culus ee dhinacyada isku hayaan ayaa kala ah: Cabdi Xaashi oo doonaya in doorashada guddoonka lagu galo heshiis, iyo dhinaca kale oo ka faa’iideysanaya tirada badan ee xubnaha guddiga ka haysto.

Dhinaca Cabdi Xaashi ayaa kaliya guddiga ka ah afar xubnood. Wallow Guuleed qudhiisa uu haysto afar xubnood, haddana waxaa u wehliya saddex kale oo Rooble soo magacaabay kuwaasoo u jaranjeera dhinaca Mahdi.

Waa doorashadii labaad oo maanta ka dhacda Muqdisho, Rooble uu si buuxda taageeray garabka Mahdi Guuleed.

The post Garabka Cabdi Xaashi ee guddiga gobollada waqooyi oo guddoomiye doortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this