Sign in to follow this  
Deeq A.

Daawo: Xildhibaan Jeesow oo digniin culus u diray madaxweyne Farmaajo

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa safarka ay Muqdisho ku imaaneyso Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ku sheegay inay tahay wax aad looga xumaado maadaama uu sheegay in dalka uu ku jiro xaalad doorasho.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga digayo safarka ay Raychelle Omamo ku imaaneyso Muqdisho isagoo taas sabab uga dhigay in safarkeeda uu halis ku yahay madax banaanida Soomaaliya.

Jeesow ayaa sheegay in safarka Raychelle Omamo ay Muqdisho ku imaaneyso ay ka dhallan karto Faragelin lagu sameeyo doorashada Soomaaliya iyo in dib loo soo celiyo ganacsigi qaadkii ka imaan jiray Kenya.

Sidoo kale, Jeesow ayaa sheegay in safarka Raychelle Omamo uu kuso aadayo xilli la sugayo jawaabta dacwadda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya, ayna macquul tahay in wasiirka ay wado heshiis arrintaan ku saabsan.

” Madaxweyne Farmaajo waqti badan ayaad kusoo fara adeegtay dacwadda Badda, fadlan ha isku dayin inaad heshiis hoose la gasho Kenya waa sharaf dhac aad dalkeena u keeneysid, waxaana kaa rajeenayaa inaad iska ilaaliso heshiisyadaas qarsoon” ayuu yiri Jeesow.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa inay booqasho rasmi ah ku timaada Muqdisho maalinta Axadda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Omamo ayaa la filayaa inay wada-hadallo ku aadan xiriirka labada dal la yeelato madaxda dowladda federaalka, kuwaasi oo si gaar ah diiradda loogu saari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, oo Caasimada Online u xaqiijiyey imaanshaha Raychelle Omamo, ayaa sheegay in waxyaabaha looga hadli doono kulanka ay ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyo.

Kenya ayaa si gaar ah isugu dayeyso in dowladda Soomaaliya ay ka dhaadhiciso inay dib u fasaxdo qaadka dalkaas ka iman jiray oo muddo hakad ku jira.

The post Daawo: Xildhibaan Jeesow oo digniin culus u diray madaxweyne Farmaajo appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this