Sign in to follow this  
Deeq A.

Mid ka mida xarumaha laga dukaameysto ee Nairobi oo 9 milayan oo Dollar ka macaashay Soomaalida Muddo 6 cisho Gudahood ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mid ka mida xarumaha laga dukaameysto ee Nairobi oo 9 milayan oo Dollar ka macaashay Soomaalida Muddo 6 cisho Gudahood ah

two.jpgXarunta Two Rivers

Mid kamid ah xarumaha waaweyn ee laga dukaameysto magaalada Nairobi ayaa ka macaashay munaasabad lagu xusayay dhaqanka Soomaalida oo ay kasoo qeybgaleen dadweyne badan oo Soomaali ah xilliggii malmihii lagu gudo jiray Ciidda oo lagu qabtay halkaas, sida uu qoray wargeyska Business Daily.

Xarunta Two Rivers ayaa xuska dhaqanka Soomaalida ka qabtay in ka badan 9 malyan oo doolar intii u dhexeysay 19-kii ilaa 25-kii bishii July ee sanadkan.

Xarumaha ganacsiga iyo dukaamada ku dhex yaalla xarunta Two Rivers ee Nairobi ayaa si weyn ugu tiirsan dadka inta badan soo booqdo halkaas gaar ahaan marka ay dhacayaan xafladaha.

“Muddadii toddobaadka aheyd ay socotay munaasabadda waxaan ka qabanay in ka badan 9 malyan oo doolar…in ka badan 100 kamid ah ganacsatada waratada ayaa ku sugnaa goobta” ayay tiri Shurea Nkutu oo xisaabiye ka ah mid kamid ah xarumaha Two Rivers.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this