Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu Cabdikariim Guuleed ka yiri doorashadii ka dhacday Afisyoone ee guddiga Somaliland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Galmudug, ahna musharax madaxweynaha Soomaaliya, Cabdikariim Xuseen Guuleed ayaa soo dhoweeyey doorashadii maanta ka dhacday Afisyoone ee guddoomiye ay ku doorteen garab ka mid ah guddiga doorashada xildhibaanada Somaliland.

Guuleed ayaa sidoo kale amaanay dadaallada ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble ee ku aadan xal u helidda khilaafka hareeyey siyaasiyiinta Somaliland ee ku aaddan guddigan.

“Shaki kuma jiro in doorashadu ay u baahneyd isla ogol iyo isku tanaasul waxaana cad in dadaal badan lagu bixiyey sidii doorashada gobalada waqooyi ee Somaliland ay u noqon laheyd mid dheelitiran,” ayuu yiri Cabdikariim Guuleed. 

“Waxaana hubaal ah in Raisu Wasaare Rooble uu waqti iyo juhdi dheer galiyey ka miro dhalinta arinkaas. Haddaba waxaan soo dhaweynayaa tilaabada horay loo qaaday. Anigoo soo jeedinaya in waxii dhameystir iyo dib u saxid u baahanna howsha lagu dhex saxo,” ayuu yiri.

Doorashadaas, oo ay qaadaceen garabka guddiga ee taageersan guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa waxaa taageeray ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri “Waxaan u hambalyeynayaa xubnaha Guddoonka Guddiga Guddiga Doorashada Somaliland ee SEIT ee maanta la doortay. Waxaan ku boorrinayaa xubnaha guddoonka la doortay in ay dardargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka iyaga oo kaashanaya Guddiga heer Federal ee FEIT.

Ra’isul Wasaare Rooble ayaa sheegay uu sii wadi doono waan waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

The post Muxuu Cabdikariim Guuleed ka yiri doorashadii ka dhacday Afisyoone ee guddiga Somaliland? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this