Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_16283366384493401.jpg?resize=720%

Golaha Wasiirada Puntland ayaa shir ay maanta oo sabtiya yeesheen uga hadlay amniga, dugsiyada quraanka, xaaladda Covid-19, nabadaynta shiqaaqadii Saax-maygaag iyo siyaasadda biyaha.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo shirka guddoomiyey ayaa guddi heer wasiiro ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta dugsiyada quraanka.

Qoraal ka soo baxay madaxtooyada Puntlqnd ayaa lagu yiri “Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dugsiyada Quraanka ee Puntland, Xaaladda COVID-19, Nabadaynta Shiqaaqadii Saax-maygaag iyo Siyaasadda Biyaha”.

“Shirka Golaha Wasiirada waxaa ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, waxaana ka mid ahaa arrimaha Goluhu ka dooday xaaladda Dugsiyada Quraanka lagu barto ee Puntland, Iyadoo ugu danbeyn Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni uu guddi heer Wasiir ah u saaray dib-u-habeynta iyo horumarinta Dugsiyada quraanka” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

FB_IMG_16283370850581362.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371676250717.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371584768149.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371477506647.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371329382371.jpg?resize=720% FB_IMG_16283370933292296.jpg?resize=720% FB_IMG_16283370989691365.jpg?resize=720% FB_IMG_16283370890853191.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371219193637.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371181586444.jpg?resize=720% FB_IMG_16283371276836104.jpg?resize=720%

PUNTLAND POST

The post Maxaa looga hadlay shirka Golaha Wasiirada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this