Sign in to follow this  
Deeq A.

Garab kamid ah gudiga doorashada gobolada waqooyi oo gudoon doortay iyo Rooble oo hambalyeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Garabka uu magacaabay Mahdi Guuleed ee guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, ayaa galabta doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday Teendhada Afisyooni ee magaalada Muqdisho.

Garabkan ayaa guddoomiye u doortay Khadar Xariir Xuseen, waxaana doorashada ka maqnaa garabkii uu magacaabay Cabdi Xaashi oo ka kooban afar xubnood.

Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa u hambalyeey guddoonka ay doorteen garabka Mahdi Guuleed ee guddiga doorashada gobollada Waqooyi.

 Ra’isul wasaare Rooble  ayaa ku booriyay xubnaha guddoonka la doortay in ay dargaliyaan sida ugu dhaqsaha badan doorashooyinka, iyaga oo kaashanaya guddiga heer Federal ee FEIT.

Sidoo kale, Ra’isul Wasaarahaayaa sheegay uu sii wadi doono waan-waantii uu ka dhex waday siyaasiyiinta Somaliland ee ay kala hogaamiyaan guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ra’isul Wasaare ku xigeen Mahdi Guuleed.

PUNTLAND POST

The post Garab kamid ah gudiga doorashada gobolada waqooyi oo gudoon doortay iyo Rooble oo hambalyeeyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this