Sign in to follow this  
Deeq A.

Maxaa ka jira in la hakiyay tartankii ciyaaraha gobolada Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   

Sida ay Puntland Post u xaqiijiyeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Puntland waxaa dib loo dhigay labo kulan oo ka mid ah tartanka ciyaaraha gobolada Puntland.

Kulamadii maanta oo Sabtiya dhici lahaa ee Gardafuu vs Mudug iyo Karkaar vs Cayn ayaa loo wareejiyay 11 bishan Agoosto oo ay ahayd maalin nasasho, sidoo kale waxaa la sheegay in dib u eegis lagu sameyn doono isku aadka labada kulan.

Dhanka kale kulamadii berri oo Axad ah ballansanaa iyo dhamaan kulamadii kale ee tartanka ayaa sidoodii u sii socon doona.

Labada kulan ayaa loo baajiyay cabasho ka timid xulka goboka Ceyn, taas oo la xiriirtay kulamo isa saaran, waxayna cabashadoodu gaartay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo markii dambe soo farageliyay Puntland.

Sidoo kale xildhibaano ka tirsan Puntlland oo laga soo doorto gobolka Ceyn oo ka hadlay arrintan ayaa sheegay in cabashada xulka Ceyn ay tahay mid jirta, waxayna dhaliil u jeediyeen xiriirka kubadda cagta Puntland iyo Wasaaradda ciyaaraha.

jadal..jpg?resize=720%2C904&ssl=1 jadwal.jpg?resize=720%2C838&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Maxaa ka jira in la hakiyay tartankii ciyaaraha gobolada Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this