Sign in to follow this  
Deeq A.

Wasiirka haweenka oo farriin u dirtay madaxda maamul goboleedyada

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka haweenka iyo xuquuqul insaanka xukuumadda Soomaaliya, Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim (Xaabsade) oo ka hadleysay arrimaha doorashooyinka ayaa farriin u dirtay hoggaamiyeyaasha shanta maamul goboleed ee dalka.

Xaniifa ayaa ka dalbatay madaxda maamul goboleedyada inay ilaaliyaan heshiiskii laga gaaray qabsoomida arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan qoondada haweenka ee 30%.

Sidoo kale waxa ay shaaca ka qaady in loo baahan yahay in saddexdii musharrax ay hal musharrax haween noqoto, si ay kuraasta qaar ugu sameeyeen xubnaha haweenka ah.

Wasiirka haweenka ayaa si gaar ah ugu mahadcelisay dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, maadaama laba gabdhood ay kusoo baxeen doorashada Aqalka Sare ee Baydhabo.

Haweenka Soomaaliyeed ayaa haatan ku bixinaya inay si weyn uga soo dhex muuqdaan xildhibaanada soo socda ee baarlamaanka labada Aqal ee Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa horey guddi gaar ah u xilsaaray ilaalinta qoondada haweenka, waxaana guddoomiye u ah guddoomiyaha ururka haweenka Batuulo Gabale.

Si kastaba doorashooyinka ayaa haatan si rasmi ah u billowday, waxaana Senatoradii ugu horreeyey lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo ee Jubaland iyo K/Galbeed.

The post Wasiirka haweenka oo farriin u dirtay madaxda maamul goboleedyada appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this