Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Ujeedka socdaal ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya ku imaneyso Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Kenya Raychelle Omamo ayaa lagu wadaa inay booqasho rasmi ah ku timaada Muqdisho maalinta Axadda, sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u xaqiijiyeen Caasimada Online.

Omamo ayaa la filayaa inay wada-hadallo ku aadan xiriirka labada dal la yeelato madaxda dowladda federaalka, kuwaasi oo si gaar ah diiradda loogu saari doono xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Ilo-wareedyo ka tirsan Villa Somalia, oo Caasimada Online u xaqiijiyey imaanshaha Raychelle Omamo, ayaa sheegay in waxyaabaha looga hadli doono kulanka ay ka mid yihiin isu socodka shacabka labada dal, xiriirka ganacsi, iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee dhowaan dib loo soo celiyo.

Kenya ayaa si gaar ah isugu dayeyso in dowladda Soomaaliya ay ka dhaadhiciso inay dib u fasaxdo qaadka dalkaas ka iman jiray oo muddo hakad ku jira.

Sida aan xogta ku helnay, kulankan ayaan wax shaqo ah ku laheyn arrimaha badda, iyo dhex-dhexaadin la sheegay in Midowga Afrika uu isku dayi doono inuu ka dhex-sameeyo labada dal, sida ay werisay warbaahinta qaar.

Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa dhowaan sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda.

“Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Mowqifka dowladda Soomaaliya ayaa weli sidaas ah, mana jiro wax iska beddelay.

The post Xog: Ujeedka socdaal ay wasiirka arrimaha dibedda Kenya ku imaneyso Muqdisho appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this