Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay hawlgal ku qaadi doonto TPLF

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Itoobiya ayaa shaacisay in ay hawlgal ku qaadi doonto jabhadda Tigrayga ee TPLF kadib markii ay qabsadeen magaalooyin horleh.

Jabhadda TPLF ayaa Khamiistii la wareegay gacan ku haynta magaalada Lalibela, oo ah magaalo ay hay’adda Unesco u aqoonsatay in ay tahay magaalo qadiimi ah.

Magaaladan ayaa waxay ku taallaa gobolka Amxaarada oo daris la ah gobolka Tigrey.

Dagaallada ayaa sii xoogeysanayay tan iyo bishii Juun markaas oo jabhadaha (TPLF) iyo xulufadeeda, ay dib u qabsadeen inta badan deegaanada gobolka Tigray.

PUNTLAND POST

The post Dowladda Itoobiya oo sheegtay in ay hawlgal ku qaadi doonto TPLF appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this