Sign in to follow this  
Deeq A.

Taalibaan oo qabsaday magaalo ka tirsan Afgaanistaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Daalibaan waxay qabsadeen magaalada Zaranj ee gobolka Nimruz ee Afgaanistaan, taasoo ka dhigaysa caasimaddii ugu horraysay ee gobolka ee kooxdu ka qaadato dawladda Afqaanistaan iyada oo sii xoojinaysa weerarada laba gobol oo kale.

Waxaa sidoo kale jira warar sheegaya in kooxda ay la wareegtay magaalada Lashkar Gah oo ah xarunta gobolka Helmand.

Talibanka ayaa bilihii la soo dhaafay qabsaday daraasiin degmooyin iyo isgoysyada ah waxayna cadaadis saareen dhowr caasimad goboleed, oo ay ku jiraan Herat oo galbeed ah iyo Qandahaar oo koonfurta ah, markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen.

PUNTLAND POST

The post Taalibaan oo qabsaday magaalo ka tirsan Afgaanistaan appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this