Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada TPLF oo diiday baaq ka soo baxay Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

Jabhadda Tigray ee dalka Ethiopia, ayaa ka hortimid baaq ka soo baxay Mareykanka ku aaddanaa in ay ciidamadeeda ay kala baxdo gobollada deriska la ah.

Hoggaanka Jabhadda TPLF ee Gobolka Tigray, ayaa sheegay in aysan dheg jalaq u siin doonin baaqaas, inta iyaga laga qaadayo xanibaadda saaran.

Baaqa Maraykanka ayaa soo baxay, maalin ka dib markii Jabhadda TPLF qabsatay magaalada Lalibela, oo hay’adda UNESCO u aqqoonsan tahay xarun ay ku yaallaan goobo taariikhi ah.

Saraakiil sarsare oo ka tirsan Mareykanka oo ay ka mid tahay madaxa hay’adda USAID Samantha Power oo asbuucan booqatay Ethiopia ayaa ugu baaqay TPLF in ay ciidamadeeda la baxdo, islamarkaana ay dhamaan dhinacyadu joojiyaan colaadda.

PUNTLAND POST

The post Jabhada TPLF oo diiday baaq ka soo baxay Maraykanka appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this