Sign in to follow this  
Deeq A.

Af-hayeenka Al-shabaab oo lagu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Dowladda Maraykanka, ayaa Liiska Argagixisada Caalamiga ah ku dartay laba xubnood oo ka tirsan Hoggaanka Sare ee Al-shabaab.

Bayaan ka soo baxay Waaxda Arrimaha Dibadda Maraykanka, ayaa lagu shaaciyay in Liiska Argagixisada Caalamiga ah lagu daray Af-hayeenka Al-shabaab, Cali Maxamuud Raage oo lagu naanayso Cali Dheere.

Cabdulqaadi Maxamed Cabdulqaadir, oo ku magac dheer Ikirama, islamarkaana Al-shabaab u qaabilsan Madaxa Saadka iyo Hawlgallada, ayaa isna lagu daray Liiska Argagixisada Caalamig ah.

Ikirama iyo Cali Dheere, waxay ka soo muuqdeen liis ka kooban shan xubnood, oo ka tirsan kooxaha jihaad doonka ah ee qaaradda Afrika, kuwaas oo lagu daray Argagixisada Caalamiga ah.

Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay in la xayirayo dhammaan hantida iyo danaha shakhsiyaadka lagu daray Liiskan.

PUNTLAND POST

The post Af-hayeenka Al-shabaab oo lagu daray Liiska Argagixisada Caalamiga ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this