Sign in to follow this  
Deeq A.

Warbixin: Yaa ka dambeeya kufsiga sare u kacay ee ka dhaca gudaha Soomaaliya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobey ayaa warbixin ka soo saartay sare u kac lagu qiimeeyey 80% oo ku yimid tacaddiyada loo geysto dumarka Soomaaliya, kuwaas oo wajaha kufsi iyo gaboodfallo kale. Sida ay warbixintu xustana tirada kiisaaska la diiwaan geliyey oo aad u badan waxay abuurtay ‘qeylo dhaan weyn’.

Laba wakiil oo ka tirsan Qaramada Midoobey ayaa arrintan ku qeexay “mid argagax leh” kadib markii xoghayaha guud loo gudbiyay laba warbixin oo dhawaan laga sameeyay gudaha Soomaaliya.

“Waxaan ugu baaqeynaa dhammaan dhinacyada ku lugta leh isku dhacyada Soomaaliya inay sida ugu dhakhsiyaha badan u joojiyaan tacaddiyadan,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saareen wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha carruurta iyo isku dhacyada hubeysan, Virginia Gamba iyo wakiilka gaarka ah ee QM u qaabilsan tacaddiyada kufsiga ee ka dhaca meelaha ay colaaduhu ka jiraan, Pramila Patten.

Labada warbixin ee ay soo diyaariyeen wakiillada ayaa lagu diiwaan galiyay in sanadkii 2020-kii gudihiisa 400 oo qof oo rayid ah, oo u badan gabdho, ay dhibaneyaal u noqdeen tacaddiyo isugu jira kufsi iyo xad gudubyo kale oo la xiriira jimsiga, waxayna tiradaasi muujisay in uu jiro sare u kac dhan 80% marka la barbardhigo sanadkii 2019-kii.

In ka badan 100 kiis oo tacaddiyada kufsiga ah waxay Qaramada Midoobay xaqiijisay afarkii bilood ee ugu horreysay sanadkan 2021-ka. Dadka falalkaas geysta waxay inta badan ka faa’iideystaan gabdhaha nugul ee ku jira xeryaha barakacayaasha, iyagoo bartilmaameedsada marka ay xeryaha kasoo baxaan si ay u doontaan shaqooyin laga raadsado nolol maalmeedka, sida lagu xusay warbixinta.

Warbixinta Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in sare u kaca ‘naxdinta leh’ ee tacaddiyada jinsiga ay sabab u tahay xaaladda amni darro ee ka jira Soomaaliya.

“Tani waxay kusoo aaday xilli ay jiraan xiisado siyaasadeed oo ku qotoma hardanka loogu jiro doorashada, isku dhacyada beelaha ee salka ku haya murannada dhulka iyo dhaqdhaqaaqyada Al-Shabaab, taas oo uu sidoo kale sii xoojiyay cudurka Covid-19,”ayaa lagu yiri warbixintan ay soo saartay QM.

Kiisaska kufsiga ee ay ku lug leeyihiin Al-Shabaab ayaa labo jibaar noqday, sida lagu ogaaday warbixinta lasoo diyaariyay. “Taasi waxay muujineysaa in kooxda Islaamiga ah ay sii waddo tacaddiyada dhanka jinsiga ah ee la xiriira guurka khasabka ah ee ka dhaca deegaannada ay ka arrimiyaan. Xad-gudubyada ay geystaan maleyshiyo beeleedyada ayaa sidoo kale gaaray ku dhawaad saddex laab sanadkii lasoo dhaafay gudihiisa. Waxaa falalkaas loo adeegsaday hubka fudud,”ayaa lagu yiri bayaanka Qaramada Midoobey.

Ugu dambeyntii sida ay shaaca ka qaaday warbixintaan, inta badan tacadiyada la diiwaan geliyey lama yaqaanno dadkii geystay, arrintaasina waxay meesha ka saareysaa in la ciqaabo dambiileyaasha, sida ay shegetay Qaramada Midoobey.

The post Warbixin: Yaa ka dambeeya kufsiga sare u kacay ee ka dhaca gudaha Soomaaliya? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this