Sign in to follow this  
Deeq A.

Orodyahanka Reer Somaliland Ah Oo Kaalinta 2aad Ka Galay Orodka Olombikada Adduunka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Maxamed Axmed oo asalkiisu yahay Soomaali deegaan ahaana ka soo jeeda Somaliland balse u orda dalka Canada ayaa ka galay kaalinta labaad tartanka orodada 5000 mitir ciyaaraha Olombikada adduunka ee ka socda dalka Japan.

Mo Ahmed ayaa ku orday 12.58.61,hase yeeshee waxaa kaalinta koowaad galay tartankan Orodyahanka reer Uganda Joshua Cheptegei oo heysta rikoorka adduunka waxana uu ku orday 12: 58.15.

Kaalinta 3aad ayaa waxaa galay Paul Chelimo oo u ordayay dalka Maraykanka waxana uu ku guuleystay bilada maarta 12: 59.o5.

Orodka 5000 ayaa ka mid orodada caalamka ugu muhiimsan waxaana dhowrkii sano ee la soo dhaafay haystay tartankan orodyahanka Mo Farah oo sanadkan ka hadhay tartanka Olombikada ee ka soconaya wadanka Japan.

Orodyahano asalkoodu yahay Soomaali balse u ordaya wadamo kale ayaa ka mid ah ciyaartoyda ka qeybgalaysa tartanka olombikada oo haatan gabagabo ku dhow.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this