Sign in to follow this  
Deeq A.

Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo guul gaartay iyo Bari oo laga badiyay

Recommended Posts

Deeq A.   
  • FB_IMG_16282651903665977.jpg?resize=720%Xulka Nugaal


Xulka Nugaal ayaa la wareegay hoggaanka guruubka ‘A’ ee tartanka ciyaaraha gobolada Puntland, markii uu ka faa’iideystay guuldarro soo gaartay xulka Bari.

Nugaal oo difaacanaysa tartankan ayaa galabta 2-0 ku garaacday dhigooda Sool, waxayna goolasha uga mahadcelinaysaa Bashiir Xaashi iyo Cabdiqaadir Daa’uud (Naani).

  • FB_IMG_16282658656754365.jpg?resize=720%Xulka Haylaan

Dhanka kale xulka gobolka Haylaan ayaa 1-0 uga adkaaday xulka gobolka Bari, waxaana goolka oo rigoore ahaa u dhaliyay Xamse Sheekh.

Nugaal ayaa 6 dhibcood ku hoggaaminaysa garuubka geerida A, waxaana ku xiga Bari oo leh 4 dhibcood, Haylaan 3 dhibcood ayuu leedahay, Sanaag wuxuu leeyahay 2 dhibcood, halka Sool uu leeyahay 1 dhibic.

Xulka Bari oo labadii kulan ee ugu dambeeyay la kulmay barbardhac iyo guuldarro waxaa ka maqnaa ciyaaryahan Saqraawi oo dib ugu laabtay tababarka 17 jirada Soomaaliya ku matali doona tartanka ‘Arab Junior Cup’ ee ka dhici doona dalka Marooko.

PUNTLAND POST

The post Tartanka Ciyaaraha Puntland: Nugaal oo guul gaartay iyo Bari oo laga badiyay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this