Deeq A. Posted August 6, 2021 Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay nin Ganacsade ah. Marxuum Cumar Yuusuf Cali Ducaale oo ka mid ahaa ganacsatada Gobolkaasi Hiiraan, waxaana la sheegay Marxuumka in lagu dilay xaafada Howlwadaag ee Magaalada Beledweyne. Dilka Marxuumka ayaa waxaa fuliyay koox Bistoolado ku hubeysan oo sida dadka degaanku ay sheegeen goobta isaga baxsaday dilka kadib. Maamulka Degmada iyo hay’adaha ammaanka Gobolka Hiiraan wali wax war ah kaam soos aarin dilkaasi xalay ka dhacay Magaalada Beledweyne, gaar ahaan xaafada Howlwadaag. PUNTLAND POST The post Ganacsade lagu dilay magaalada Beledweyne appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites