Deeq A. Posted August 6, 2021 Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay ciidamada ammaanka ee Nigeria inay adeegsadeen awood xad-dhaaf ah ayna dileen ugu yaraan 115 qof kaddib howlgal ka dhan ah kooxaha u ololeeya gooni u goosadka gobolka koonfur-bari ee dalkaas. Rabshadahan ayaa sannadkan ka dhacay gobollada koonfur-bari ee Nigeria, kuwaas oo sidoo kale galaaftay nolosha ugu yaraan 127 qof oo ahaa xubno ka tirsan laamaha ammaanka, sida ay booliisku sheegeen, waxaana sida ay warbaahintu sheegtay in la weeraray ilaa 20 saldhig boolis iyo xafiisyada guddiga doorashada. Garabka xag-jirka ah ee kooxda la mamnuucay ee Indigenous People of Biafra (IPOB) oo ah dhaq-dhaaqaaq raadinaya madax-bannaanida qoomiyadda Igbo ayaa lagu eedeeyay rabshadahan, laakiin IPOB waa beenisay eedeymahaas. Amnesty ayaa sheegtay in jawaabta ay bixiyeen ciidamada ammaanka, oo ay ku jiraan militariga, booliska iyo hay’adda sirdoonka ee DSS ay dileen tobanaan qof oo ay ku jireen dad rayid ah. PUNTLAND POST The post Ciidamada Nigeria oo dilay in ka badan 110 ruux appeared first on Puntland Post. Share this post Link to post Share on other sites