Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Mucaaradka cabsi ka qaba in rajada doorashada Farmaajo ay aad u sarreyso

Recommended Posts

Deeq A.   

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo kala duwan oo aan ka helnay dhinaca mucaaradka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay cabsi weyn ka qabaan in markale la doorto Madaxweyne Farmaajo, marka la eego qaabka ay wax u socdaan. 

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Midowga Murashaxiinta ay qabaan dareen weyn oo ah in xildhibaanada cusub ee lasoo dooranayo ay badankood noqon doonaa kuwa taageersan Farmaajo, taasi oo sidii ay ku dhici laheyd ay Villa Somalia aad uga shaqeyneyso.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa diyaarsaday shaqsiyaad badan oo daacad u ah oo kamid noqonaya baarlamaanka cusub, si ay ugu doortaan Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Cabsida ay qabaan mucaaradka ayaa sii korartay kadib shanti xubnood ee Aqalka Sare ee Isniintii lagu doortay magaalada Baydhaba, kuwaasi oo xaqiijiyey sida madaxweyne Lafta-gareen ay go’an tahay inuu soo saaro xildhibaano taageersan Farmaajo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo dooranayaa xildhibaanada ugu badan ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo marka la isku geeyo golaha shacabka iyo Aqalka Sare gaaraya 77.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu yeesho inta ugu badan xildhibaanada Koonfur Galbeed, oo ay usii dheer yihiin kuwa Dir, beelaha Banaadiriga iyo kuwa beeshiisa. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu faro-geliyo kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Qaar kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha kuwooda ugu saameynta badan ayaa la sheegay in ay isku afgarteen in musharax kasta uu ilaaliyo kursiga beeshiisa, si aysan ugu gacan gelin Farmaajo.

Sidoo kale murashaxiinta ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ugu yaraan ay Xildhibaano fiican ku yeeshaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, si loo dhimo rajada Farmaajo.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay qayb ka tahay in marka hore ay xoogga saaraan sidii ay baarlamaanka xubno iyo guddoonkaba u yeelan lahaayeen, si haddii uu markale guuleysto Farmaajo ay mooshin uga keenaan ama ay saaraan cadaadis baarlamaan. 

Rajada mucaaradka ayaa ah inay xoogga saaraan in Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan xildhibaanada ka imanaya Galmudug iyo HirShabelle, maadaama aysan wax welwel ah ka qabin dhanka Jubaland iyo Puntland.

Si kastaba, Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay la mid noqdaan Lafta-gareen ama ku dhowaadaan, waxay kasii dhignaan doontaa niyadjab weyn oo dhanka mucaaradka ah.

Xeendaabka siyaasadda dalka ayaa waxaa ka jira dareen xoog leh oo ay qabaan dadka dorsa arrimaha siyaasadda, kaasoo ah in Farmaajo uu wado soo saarashada Xildhibaano markale doorta.

Dedaalkaan waxaa hore u soo sameeyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo sidii la filayay aysan wax u dhicin 2017-kii, oo Xasan Sheeekh laga adkaaday.

The post Xog: Mucaaradka cabsi ka qaba in rajada doorashada Farmaajo ay aad u sarreyso appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this