Deeq A. Posted August 6, 2021 Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israel ayaa ku dhowaaqay in Tel Aviv “ay diyaar u tahay inay weerarto Iran,” isaga oo intaas ku daray in Iran “ay caqabad ku tahay caalamka,” waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu. Hadalka kasoo yeeray Benny Gantz ayuu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Israel kasoo baxa ee Yedioth Ahronoth, Khamiistii. “Iran waxay isku dayeysaa inay Israel ku noqoto caqabad dhinacyo badan ayada oo awooddeeda ku dhiseysa Lebanon iyo Gaza, maleeshiyo ku daabuleysa Syria iyo Iraq, islamarkaana taageeroyaal ku aas-aaseysa Yemen,” ayuu yiri Gantz. Arbacadii, Benny Gantz ayaa shir ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibedda Israel, oo ay ka qeyb galeen safiirada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ku sheegay in Iran ay u baahan tahay oo kaliya “qiyaastii 10 toddobaad” si ay u hesho walxo ay ka sameyn karto hub Nukliyeer ah. Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Saeed Ara Jani, oo ah madaxa qeybta drone-ka ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, inuu mas’uul ka yahay weerarada ka dhaca gacanka Persia. Israel ayaa toddobaadkii tegay Iran ku eedeysay inay mas’uul ka tahay weerar lagu qaaday Markab dalkaas ka diiwaan gashay oo marayey gacanka Cuman, weerarkaas oo lagu dilay qof British ah iyo mid Romanian ah, waxayna wacad ku martay jawaab “xanuun badan”. Iran waa ay beenisay weerarkaas, waxayna ka digtay inay jawaab adag ka bixin doonto haddii la carqalad geliyo amnigeeda. The post ISRAEL oo ku dhowaaqday weerar ka dhan ah IRAN appeared first on Caasimada Online. Share this post Link to post Share on other sites