Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdi Xaashi oo shaaciyey wixii dhex-maray isaga iyo Rooble kuna dhowaaqay in…

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, taariikhdii lasoo maray iyo khilaafka ka taagan doorashda xildhibaannada Gobollada Waqooyi, iyo wixii dhex maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Cabdi Xaashi oo ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo inuu Farmaajo ka hor taagnaa sharci darrada Dastuuriga ah, ayna isku dhaceen in badan, ayna dhacday in Golaha shacab laga ansixiyo laba sano oo ku darsi ah, ahna sharci darro.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday inuu u diiday madaxda kasoo jeeda Somaliland inay ka qeyb galaan shirarkii masiiriga ahaa ee Golaha Wadatashiga, taasina aany ogeyn abab ku kaliftay.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii ay la shireen isaga iyo Mahdi Guuleed, uu ka dalbaday inay ku wareejiyaan arrinta Doorashada Somaliland, isaguna aanu u arkin inay arrinta Somaliland tahay badeecad la isku wareejinayo ee ay ahayd dad iyo dal, isla markaana uu dalbaday inuu talo la noqdo.

“Ra’iisal wasaaraha wuxuu u yeeray xubnaha guddiga doorashada ee 4-ta xubnood ahaa ee aan anigu magacaabay, wuxuuna ku yiri waa is dooraneysaan Guddigiina, haddii aan imaan weydaana waan idinka saarayaa Guddiga..” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo Rooble ku eedeeyay inuu ka been sheegay wixii dhex maray.

Wuxuu si cad u sheegay Cabdi Xaashi inuusan cidna ka aqbaleynin inay mas’uul uga noqoto siyaasadda, wax aan heshiis lagu ahayna aanay socon doonin, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble ku tilmaamay qof aan dhexdhexaad ahayn.

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Isha: Goobjooge

The post Cabdi Xaashi oo shaaciyey wixii dhex-maray isaga iyo Rooble kuna dhowaaqay in… appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this