Sign in to follow this  
Deeq A.

Qaramada Midoobay oo wefdi u dirtay magaalada Dhuusamareeb

Recommended Posts

Deeq A.   

Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta gaaray wefdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo ay hoggaamineyso Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Wefdigan ayaa waxa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ujeedka wefdigan ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Dhuusamareeb ayaa qiimeyn waxa ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doono hoggaanka Galmudug, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas.

Socdaalka wafdiga Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo magaaladaas laga dareemayo qaban-qaabada doorashooyinka Soomaaliya.

Galmudug ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana madaxweyne Qoor Qoor saacadaha soo soda uu ku dhawaaqi doonaa liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug.

PUNTLAND POST

The post Qaramada Midoobay oo wefdi u dirtay magaalada Dhuusamareeb appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this