Sign in to follow this  
Deeq A.

Ku dhowaad 20 qof oo biriq ku dishay Bangladesh

Recommended Posts

Deeq A.   

Ugu yeraan 17 qof oo ka qeybgalay xaflad aroos ah ayaa dhintay ka dib markii biriq ku dhacday, sida ay saraakiishu sheegeen dalka Bangladesh.

14 qof oo uu ku jiro arooska ayaa sidoo kale ku dhaawacmay biriqda, hase yeeshee aroosadda ama gabadha la guursaday waa ay ka maqaneyd xafladda.

Xafladda arooskan ayaa ka socotay magaalada Shibgani ee dalka Bangladesh, iyadoo xilliga biriqda dhacaysay sii raacayeen doon si ay u tagaan guriga arooska loo diyaariyay.

Sanad kasta, boqolaal qof ayaa biriqdu ku dishaa dalalka qaaradda Asiya. 2016 Bangladesh waxaa looga dhawaaqay xaalad deg deg ah ka dib markii biriq ku dishay in ka badan 200 oo qof.

Bishii May ee sanadkan, maalin keliya ayaa dalka Bangladesh biriq ku dishay 82 ruux. Khubarada deegaanka waxay leeyihiin kororka biriqda waxaa sabab u ah xaalufinta deegaanka.

PUNTLAND POST

The post Ku dhowaad 20 qof oo biriq ku dishay Bangladesh appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this