Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweyne Deni oo maanta soo saaraya liiska xunaha Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   
Deni.jpg?resize=1000%2C563&ssl=1

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay kulamo ku saabsan Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, wuxuu la yeeshay Guddoonka iyo Xildhibaannada Baarlamanka Puntland.

Madaxweyne Deni, ayaa la kulmay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, oo ay weheliyaan labadiisa ku xigeenka Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan iyo Ismaaciil Maxamed Warsame.

Kulanka labada dhinac ayaa diiradda lagu saaray Arrimaha Doorashada Aqalka Sare, sida ay xaqiijiyeen dad lagu kalsoonyahay.

Sidoo kale, Siciid Deni ayaa Gobol-gobol ula kulmay dhammaan xildhibaannada Baarlamanka Puntland, isagoo kala-hadlay Doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imaanaya Puntland.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa, in uu maanta oo Khamiis ah soo saaro liiska xubnaha u sharraxan Aqalka Sare ee laga soo doorto Puntland.

PUNTLAND POST

The post Madaxweyne Deni oo maanta soo saaraya liiska xunaha Aqalka Sare appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this