Sign in to follow this  
Deeq A.

Dawlada Itoobiya oo shaacisay sababtay shaqada uga joojisay Hay’ado ka hawla Gobolka Tigray

Recommended Posts

Deeq A.   

Dawlada Itoobiya oo shaacisay sababtay shaqada uga joojisay Hay’ado ka hawla Gobolka Tigray

nrc.png

Dowladda Itoobiya ayaa hakisay shaqadii ay gobolka Tigray ka qaban jireen labo hay’adood oo ka shaqeeya arrimaha gargaarka.

Ha’yadda MSF waxaa laga joojiyay howlihii gargaarka ay ka fulin jiray Tigray iyo saddex gobol oo kale halka NRC ay sheegtay in tallaabadan ay saameysay howlihii samafalka ay ka qaban jirtay guud ahaan Itoobiya.

Dowladda Itoobiya ayaa sheegtay in kooxaha gargaarka ay faraha la galeen waxaan shaqadooda ahayn ayna shaqaaleysiiyeen shaqaale ajaanib ah oo aan heysan waraaqaha oggolaanshaha ay ka howlgalaan. dalkaasi

Itoobiya waxay sidoo kale hay’adahan ku eedeysay inay baahinayaan warar marin habaabin ah.

Hay’adda NRC ayaa caawinaad u fidisaa ku dhowaad 600,000 oo qof oo ku sugan Itoobiya.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this