Sign in to follow this  
Deeq A.

DEG DEG: Xilliga iyo goobta ay ka dhaceyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland oo la shaaciyey

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa goordhoweyd qoraal uu soo saaray ku wargeliyay guddiga doorashooyinka Somaliland (SEIT) qabashada doorashada guddoonka, kadib khilaaf xoogan oo muddo taagna.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni.

“Iyadoo la tixraacayo go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay (3 Agoosto 2021) ka gaaray xalinta arrimaha guddiga hirgelinta doorashad ee Somaliland, iyo go’aanadii xalay kasoo baxay shirka fogaan aragga Gollaha Wada-tashiga Qaran ee khuseeyay arrintaas, wuxuu Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ku wargalinayaa 11 xubnood ee Guddiga doorashooyinka in doorashada guddoonka la qaban doono Maalinka Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Sidoo kale waxa uu guddiga ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga uu u mudeeyay inay qabsoomto doorashada guddoonka, taasi oo looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

“Si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada, waxaa mar labaad dhamaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada guddoonka guddiga Somaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Waqtiga uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal u mudeeyay qabashada doorashada guddoonka Somaliland ayaa waxaa soo go’aamiyey Ra’iisul wasaare Rooble, oo asagu si toos ah ula wareegay arrinta guddigaas.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu shalay kulan uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Somaliland, uu kaga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland.
229820450_249787276978065_82509627716020

The post DEG DEG: Xilliga iyo goobta ay ka dhaceyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland oo la shaaciyey appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this