Sign in to follow this  
Deeq A.

Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saarayaan degmada Xarardheere

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliska Ciidamada Milatariga Soomaaliya, ayaa shaaciyay in ay ku wajahan yihiin degmada Xarardheere ee Gobolka Mudug, halkaas oo ay ku xooggan yihiin ururka Al-shabaab.

Taliyaha Ciidanka Dhulka Milatariga Soomaaliya, Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi, oo warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay Al-shabaab ka saari doonaan degmada Xarardheere iyo tuulooyinka.

Qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere, waxaana Ummadda Soomaaliyeed ay ku farxi doonaan kolkaan idinkala soo hadlo Xarardheere oo aan cadowga ka ciribtirno halkaas”. Ayuu yiri Taliyaha ciidanka Dhulka Xoogga dalka.

Sidoo kale, wuxu sheegay in Al-shabaab laga xoreeyay degaanno ka tirsan Koonfurta Gobolka Mudug kadib dagaallo muddooyinkii u dambeeyay ka socday halkaas.

PUNTLAND POST

The post Milatariga Soomaaliya oo sheegay in ay Al-shabaab ka saarayaan degmada Xarardheere appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this