Sign in to follow this  
Deeq A.

Khatar caafimaad oo laga soo sheegay xarumaha dawooyinka iibiya ee gudaha Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Inkastoo Puntland leedahay waax qaabilsan hubinta badeecadaha iyo dawooyinka laga keeno dibadda, haddana inta badan ma muuqato shaqada waaxdaasi.

Waa jirtaa, mase badna, in marar kala duwan gudaha Puntland lagu qabtay badeecooyin ama dawo dhacday oo laga keenay dalka dibaddiisa, taas oo la doonayay in shacabka laga iibiyo.

Haddaba, waxan si kooban halkan uga hadlaynaa sheeko uu Puntland Post la wadaagay qof bartay Cilmiga dawooyinka (Pharmacology).

Qofkan oo ka cudur-daartay in la adeegsado magaciisa, ayaa ka sheekeeyay baaritaan qarsoon oo uu ku sameeyay xarumaha lagu iibiyo dawooyinka ee gudaha Puntlad.

Wuxu sheegay in natiijada u soo baxday ay muujisay dawooyin badan oo dhacay in lagu iibiyo gudaha Puntland, balse uusan caddayn karin, haddii sidaas dibadda looga keenay ama ay keydka ku raageen.

Arrintan oo weli xaqiijin u baahan, ayaa haddii ay jirto muujinaysa khatar caafimaad oo aan la dhayalsan karin.

PUNTLAND POST

The post Khatar caafimaad oo laga soo sheegay xarumaha dawooyinka iibiya ee gudaha Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this