Sign in to follow this  
Deeq A.

Goorma la qaban doona doorashada gudoonka gudiga gobollada waqooyi?

Recommended Posts

Deeq A.   

Guddiga doorashooyinka ee heer Federaal, ayaa shaaciyay wakhtiga la qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashada ee gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga ayaa sheegay in Sabtida oo ku beegan 7 Agoosto 2021 si rasmiya loo qaban doono doorashada guddoonka guddiga heer Somaliland (Gobollada waqooyi), islamarkaana ay ka dhici doonto xerada Afisyooni.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa tilmaamay in jadwalkan la soo saaray, iyadoo la tixraacayo go’aankii Ra’iisul wasaare Rooble iyo kii xalay ka soo baxay Golaha Wada-tashiga Qaranka.

3-2.jpg?resize=720%2C977&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Goorma la qaban doona doorashada gudoonka gudiga gobollada waqooyi? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this