Sign in to follow this  
Deeq A.

Galmudug : Qoor-qoor Oo Maanta Shaacin Doono Liiska Musharixiinta Aqalka Sare

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta Aqalka sare.

Qoorqoor ayaa shaacin doono Liiska oo muddooyinkii u dambeyay laga sugayay, madaxweynaha ayaana lagu wadaa in faafinta rasmiga ah uu ku sheego.

Liiska musharixiinta maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo saameyn weyn ku leh siyaasadda.

Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur galbeed.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this