Sign in to follow this  
Deeq A.

Puntland oo kala qaadday dhinacyadii ku dagaallamay SAAX-MAYGAAG

Recommended Posts

Deeq A.   

Xukuumadda Puntland, ayaa ku guulaysatay in si rasmiya loo kala qaado labadii dhinac ee ku dagaallamay tuulada SAAX-MAYGAAG, kadib markii halkaas ay booqdeen mas’uuliyiin ka tirsan Puntland.

Mas’uuliyiinta oo kaashanaya odayaasha dhaqanka labada dhinac, ayaa fuliyay amarkii ka soo baxay dowladda oo ku saabsanaa in laga guuro dhammaan dhulka lagu dagaallamay.

Cutubyo ka tirsan ciidamada Puntland, ayaa sidoo kale ku sugan tuulada SAAX-MAYGAAG, kuwaas oo u xil-saaran in ay fuliyaan amarka dowladda, islamarkaana xaqiijiyaan nabad-geliyada degaankaas.

Sidoo kale, dowladda ayaa mamnuucday in wax degaamayn ah laga sameeyo dhul-daaqsimeedka SAAX-MAYGAAG IYO SANGE-JEBIYE, si loo xakameeyo colaadda ku salaysan muranka dhuleed ee u dhexaysa labada dhinac.

PUNTLAND POST

The post Puntland oo kala qaadday dhinacyadii ku dagaallamay SAAX-MAYGAAG appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this