Sign in to follow this  
Deeq A.

Golaha Wadatashiga Qaran oo ka shiray khilaafka doorashada gobollada Waqooyi

Recommended Posts

Deeq A.   
20210725_222151.jpg?resize=720%2C394&ssl

Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka oo ka kooban dowladda federaalka, dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir ayaa caawa kulanka ay ku yeesheen aalada internet-ka waxay uga wada hadleen dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka guddiga doorashada Somaliland.

Qoraal oo ka soo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wada hadlay dardargalinta howlaha doorashooyinka dalka”.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka guddiga maamulka doorashada gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha guddoonka guddiga maamulka doorashooyinka Somaliland” ayaa la sii raaciyay qoraalka.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa maanta baabi’yay guddoonkii guddiga doorashada gobollada Waqooyi ee lagu muransanaa, wuxuuna ku amray in ay si deg deg ah isaga dhexdoortaan hoggaan cusub.

PUNTLAND POST

The post Golaha Wadatashiga Qaran oo ka shiray khilaafka doorashada gobollada Waqooyi appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this