Sign in to follow this  
Deeq A.

Talibaan oo lagu eedeeyay xasuuq

Recommended Posts

Deeq A.   

Mareykanka iyo Boqortooyada Ingiriiska ayaa ku eedeeyeen kooxda Taalibaan inay xasuuqeen dad rayid ah oo ku sugnaa deegaan ku dhow xadka Pakistan oo lagu magacaabo Spin Boldak,isla markaana hoostaga magaalada Qandahaar.

Taalibaan ayaa lagu eedeeyay in ay dileen 40-ruux oo isugu jiray saraakiil iyo dad rayid ah,ka dib kolkii ay qabsadeen deegaan ka  mid ag magaalada Qandahaar,waxaana dilalkani ay noqon karaan dambiyo dagaal, ”sida laga soo xigtay safaaradaha Washington iyo London oo adeegsaday bogga baraha bulshada ee Tuwiterka.

Cambaareynta dibolomaasiyadeed ee Mareykanka iyo UK ayaa timid kadib markii Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Afgaanistaan ​​uu sidoo kale sheegay in dagaalyahannada Taalibaan ay ku kaceen dilal aargoosi ah oo loo geystay saraakiil ka tirsanaa dowladda oo aan ku jirin dagaalka iyo dad rayid ah.

Suhail Shaheen, oo ka tirsan kooxda wada xaajoodka Taalibaan ee fadhigoodu yahay Doha, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in wararkaasi eedeynta ah ay yihiin kuwo been abuur ah oo  aan laheyn sal iyo raad toona.

PUNTLAND POST

The post Talibaan oo lagu eedeeyay xasuuq appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this