Sign in to follow this  
Deeq A.

Maydadka 50 qof oo laga helay webiga u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya

Recommended Posts

Deeq A.   

Sarkaal u dhashay waddanka Sudan ayaa sheegay in masuuliyiinta gobolka Kassala ay ka heleen maydka ku dhawaad 50 qofood webiga u dhexeeya Sudan iyo Itoobiya, oo sida muuqata ka cararayay dagaalka gobolka Tigray, kuwaas oo qaarkood ay ka muuqdeen dhaawacyo rasaas lagu furay.

Qaar kale oo ka mid ah dadkan ayaa gacmaha ka xirnaa, sida ay xaqiijiyeen goobjoogeyaal arkay maydadkan.

Sarkaalkan ayaa sheegay Isniintii in loo baahan yahay baaritaan dambi baaris ah, si loo ogaado sababaha dhimashada dadkan, waxaana sarkaakan uu codsaday in aan magaciisa la shaacin, maadaama aan warbixintan loo fasixin warbaahinta.

Laba shaqaale caafimaad oo Itoobiyaan ah oo ka tirsan bulshada ku nool xadka Sudan ee Hamdayet ayaa xaqiijiyay inay arkeen maydadka laga helay Webiga Setit, oo Itoobiya looga yaqaan Tekeze.

PUNTLAND POST

The post Maydadka 50 qof oo laga helay webiga u dhexeeya Suudaan iyo Itoobiya appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this