Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Minnesota oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Puntland

Recommended Posts

Deeq A.   

Xildhibaan Maxamuud Nuur, oo ka tirsan Baarlamanka Gobolka Minnesota  ee waddanka Maraykanka, oo maalmahan ku sugnaa caasimadda Puntland ee Garoowe, ayaa maanta lagu qaabilay xarunta Baarlamanka Puntland.

Guddoonka Golaha Wakiilada iyo Xildhibaannada Puntland, ayaa Xaruntooda ku qaabilay Xildhibaanka oo Garoowe u yimid ka qayb-galka Munaasabadda Xuska Kowda Agoosto ee as’aaskii dowladda Puntland.

Xildhibaan Maxamuud Nuur oo khudbad ka jeediyay Fadhiga 20-aad ee Kalfadhiga 48-aad ee Baarlamanka Puntland, ayaa Golaha la wadaagay Khibraddiisa Arrimaha Baarlamannada, gaar ahaana Habka ay u shaqeeyaan Baarlamanka Gobolka Minnesota.

Mudane Maxamuud Nuur, ayaa sidoo kale Baarlamanka Puntland u ballan-qaaday in uu si dhow ula shaqayn doono isaga oo ka mahad-celiyay, sida loogu soo dhoweeyay Golaha wakiilada Puntland.

PUNTLAND POST

The post Xildhibaan ka tirsan Baarlamanka Minnesota oo khudbad u jeediyay Baarlamanka Puntland appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this