Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Somaliland oo guddoon cusub doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka Somaliland, ayaa maanta oo Talaado ah doortay guddoon cusub.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa loo doortay, Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.

Cabdirisaaq ayaa 42-cod kaga guulaystay, Yaasiin Xaaji Maxamuud Faratoon oo ka sharraxnaa xisbiga Kulmiye, kaas oo isna helay 39-cod, kadib loolan adag oo dhexmaray labada murashax.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ayaa loo doortay, Siciid Mire Giirre oo isna ka sharraxnaa xisbiga mucaaradka ah ee UCID ,halka Guddoomiye ku xigeenka labaad uu ku guulaysay Cali Xaamud Jibriil (UCID).

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Somaliland oo guddoon cusub doortay appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this