Deeq A. Posted August 3, 2021 Waxaa goordhaw xarunta golaha wakiilada Somaliland ee magaalada Hargeysa lagu soo gaba gabeeyay dhaarinta xildhibaanada cusub ee golaha. Xildhibaanadan oo gaaraya illa iyo 82 mudane, ayaa bishii May dhamaadkeedii laga soo doortay deeganada Somaliland. Golaha wakiilada Cusub ayaa sidoo kale lagu wadaa in saacadaha soo socda ay doortaan shir guddoonka golaha wakiilada iyo ku-xigeenadiisa. Goobjoog News Source: goobjoog.com Share this post Link to post Share on other sites