Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaanada Somaliland oo guddoon cusub doortay – Yaa guuleystay mucaaradka iyo muxaafadka?

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ku tartamay labo musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Faratoon ayaa metalayey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, halka Cabdirisaaq uu ka socday xisbiga mucaaradka ee Wadani, kaas oo ay guushu raacday.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod, waxaana sidaas guddoonka golaha wakiilada ugu guuleystay Wadani.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, wuxuuna laba jeer soo noqday wasiir xilligii Siilaanyo, isaga oo sidoo kale xisbiga Wadani ku biiray 2015-kii.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku guuleystay Saciid Mire Faarax oo metalaya xisbiga mucaaradka ah ee Ucid , wuxuuna helay 41 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cumar Jaamac uu helay 40 cod.

Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa sidoo kale kusoo baxay Cali Xaamud Jibriil oo isna metalaya xisbiga Ucid, isla-markaaana hekay 43 cod, halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo laga guuleystay uu helay 38 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Doorashadan ayaa aheyd mid la wada sugayey, waxaana guushan ay xisbiyada mucaaradka u horseedeydaa inay  lalan adag la galaan xisbiga talada haya ee Kulimye.

The post Xildhibaanada Somaliland oo guddoon cusub doortay – Yaa guuleystay mucaaradka iyo muxaafadka? appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this