Sign in to follow this  
Deeq A.

Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay todobaad fasax ah

Recommended Posts

Deeq A.   

Mudanayaasha Baarlamanka Puntland, ayaa maanta oo Isniin ah dib u bilaabaya fadhiyadoodii caadiga ahaa, kadib fasax ay ku maqnaayeen mudda todobaad ah.

Ajandaha keliya oo ka harsan Kal-fadhiga 48-aad Baarlamanka, ayaa ah doorashada xubnaha  Aqalka sare ee Baarlamanka Soomaaliya ee laga soo doorto Puntland.

Mudanayaasha Baarlamanka, ayaa la filaya in ay maalmaha u haray  guda-galaan arrimaha ku saabsan doorashada xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Puntland.

Sidoo kale, madaxweyne Siciid Deni ayaa isna todobaadkan lagu wadaa in uu soo gudbiyo liiska xubnaha u sharraxan doorashada Aqalka sare, kuwaas oo la filay in ay ka soo muuqdaan dad ka tirsan dowladdiisa.

PUNTLAND POST

The post Baarlamanka Puntland oo dib uga soo laabtay todobaad fasax ah appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this