Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: Qaar musharaxiinta madaxweyne ka mid ah oo raadinaya kursi xildhibaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saddex ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay raadinayaan ka mid noqoshada xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xogta ayaa tilmaameysa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay doonayaan kamid noqoshada Golaha Shacabka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, ayada oo lagu wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha.

Sababta ugu weyn ee Sheekh Shariif uga mid noqonaya Golaha Shacabka ama u raadiyay ayaa lagu sheegay laba qodob oo kala ah, in marka hore uu kursigaan kaga difaacayo madaxweyne Farmaajo oo u rabo wasiirka amniga Soomaaliya, iyo marka labaad oo la sheegay in loogu raadinayo xasaanad uu kaga badbaado qalalaase kasta oo uu wajaho. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sanadihii la soo dhaafay la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleesto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaysan weli ogolaan, mana cadda halka ay ku dambeyn doonto.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay.

Rag badan oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah ayaa hada raadinaya kuraas baarlamanaa, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay inay doonayaan xasaanad. 

The post Xog: Qaar musharaxiinta madaxweyne ka mid ah oo raadinaya kursi xildhibaan appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this