Sign in to follow this  
Deeq A.

Munaasabada Xuska Kowda Agoosto oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Garoowe

Recommended Posts

Deeq A.   
6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Hambalyo iyo farxad la wadaagay Bulshada reer Puntland Xafladda sanad-guurada 23-aad ee aasaaska Puntland.

Waxaan ugu hambalyeenaya Shacabweynaha Puntland Munaasabadda 1-da August oo aynu u dabaaldegayno 23-guuradii kasoo wareegatay marku aynu Puntland dhisnay” Ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni.

Munaasabadda waxaa sidoo kale ka qeybgalay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Axmed Cilmi Cismaan Karaash, Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Yuusuf Jibriil, Guddoomiye Ku-xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Cabdicasiis Cabdullaahi Cismaan, Mudaneyaal ka tirsan Aqalka Sare iyo Goleyaasha DFS, Goleyaasha Dowladda Puntland iyo marti sharaf isaga yimi dalka iyo dibediisa.

Munaasabadda ayaa abaalmarin lagu guddoonsiiyay madaalayaasha ka shaqeeyay Mashaariicda ugu waaweyn ee Puntland laga hirgeliyay, kuwaasi oo kala ah Guddiga dhismaha Wadada Ceeldaahir-Ceergaabo iyo Guddiga Dhismaha ee Dekadda Garacad.

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxaa la dhisay 1998, 23 sano Dowladdnimada Puntland waxay hirgelisay Maamul wanaag, Nabad, horumar iyo Amni iyo dhismaha Dowladdnimada Soomaaliyeed.

  • 1-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 2-2.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 3.jpg?resize=1000%2C875&ssl=1
  • 4-1.jpg?resize=1000%2C767&ssl=1
  • 5-1.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 6.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 7.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 8.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 9.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 10.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 11.jpg?resize=1000%2C866&ssl=1
  • 12.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 13.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1
  • 14.jpg?resize=1000%2C667&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Munaasabada Xuska Kowda Agoosto oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Garoowe appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this