Sign in to follow this  
Deeq A.

Shanta Senator ee maanta la doortay iyo beelaha ay kasoo jeedaan (Aqriso)

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu doortay 5 Senator oo kamid aha Xubnaha Aqalka Sare ka imaanaya maamulkaas, kuwaasi oo hore ugu soo baxay liis uu soo saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Doorashada maanta oo aheyd middii labaad ee doorashada Aqalka Sare, ayaa waxaa kusoo baxay 5 Senator, halka ay ku tartamayeen 10-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda hore loo ogaa.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan, waxayna guusha kursigaas raacday Zamzam Ibraahim Cali oo heshay 81 cod, halka Shariifo ay heshay 4 cod oo keli ah. Zamzam ayaa kaso jeeda beesha Jiido.

Kursiga 2-aad ayaa asagna waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, waxaana doorashada codadka ugu badan kasoo hoysay Ayaan Aadan oo heshay 79 cod, halka ay Farxiyo heshay 8 cod oo keliya, waxaana sidaas ku raacday guusha kursigaas Ayaan Aadan Cabdullaahi. Ayaan kasoo jeeda beesha Hariin.

Kursiga 3-aad ayaa waxaa ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana 80 cod ku guuleystay Aadan Cabdinaasir, halka Maxamed uu helay 6 cod.

Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble ayaa hore loo sii ogaa soo bixistiisa, wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay, kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh. Aadan ayaa kasoo jeeda beesha Hadamo.

Kursiga 4-aad ayaa sidoo kale waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursigaan ku guuleystay Maxamuud Garabey oo helay 76 cod, halak uu Nuur Baabul uu helay 9 cod. Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Geeladle. 

Kursiga 5-aad oo ah midka u dambeeyay ee maanta lagu doortay Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxayna guusha ku raacday Xuseen Maxamed Daahir oo helay 71 cod, halka uu Xasan helay 7 cod oo keliya. Xuseen ayaa kasoo jeeda beesha Boqole Hore. 

Doorashada maanta oo aheyd mid indhaha lagu hayey ayaa waxaa inta badan ku soo baxay xubno hore loo sii ogaa soo bixistooda, kuwaasi oo lala xiriirinayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

The post Shanta Senator ee maanta la doortay iyo beelaha ay kasoo jeedaan (Aqriso) appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this