Sign in to follow this  
Deeq A.

Muxuu yahay qoraalka uu Cabdi Xaashi u gudbiyay Rooble?

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_1627920178268.jpg?resize=720%2C48

Guddoomiyaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa qoraal ku soo bandhigay sida xal looga gaari karo khilaafka doorashada gobolada Waqooyi.

Cabdi Xaashi oo qoraalka maanta u gudbiyay Ra’iisul wasaare Rooble wuxuu soo jeediyay in isaga iyo Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaanka wadajirka ah ee haga doorashooyinka xildhibaannada Somaliland.

Wuxuu kaloo soo jeediyay in dib u mideynta lagu sameeyo guddiga doorashooyinka gobollada Waqooyi, iyadoo dib loo dooranayo guddoon aysan qeyb ka ahayn 3-da xubnood ee xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble laga soo magacaabay.

Sidoo kale Cabdi Xaashi wuxuu soo jeediyey in doorashada xildhibaannada Somaliland lagu qabto hargarka ciidanka cirka ee Xalane, amnigeedana ay sugaan Booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland garabka uu hoggaamiyo Cabdi Xaashi ayaa aaminsan in Ra’iisul Wasaare Rooble uusan dhexdhexaad ka ahayn doorashada gobollada Waqooyi.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo dhow jeer kulamo la qaatay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa weli ku guuleysan xal u helida khilaafka ka taagan doorashooyinka gobollada Waqooyi ee u dhexeeya labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland.

FB_IMG_16279126600682417.jpg?resize=720% FB_IMG_1627919205007.jpg?resize=720%2C90

PUNTLAND POST

The post Muxuu yahay qoraalka uu Cabdi Xaashi u gudbiyay Rooble? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this