Sign in to follow this  
Deeq A.

Yey yihiin Ayaan iyo Zamzam? – Wax ka ogow taariikhda labada Senator ee maanta la doortay

Recommended Posts

Deeq A.   

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay Labo kursi oo kamid ah 5 Kursi oo maamulkaas ku leeyahay Aqalka Sare.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali, halka Kursiga 2-aad ayaduna ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi, waxayna uga guuleystaan kuraastaas labo musharax oo dumar ah.

Haddaba, Wax ka ogow labada Senator ee maanta la doortay

Ayaan Aadan Cabdullaahi – Ayaan ayaa waxay ku dhalatay degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo 1991-dii, sida ay ka hor sheegtay baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Waxbarashadeedii Jaamacada ka horeysay waxay ku qaadatay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, halka Jaamacad Bangladesh ay uga soo baxday Computer Engineering.

Waxay muddo la shaqeynaysay hay’addo maxali ah, waxaana la filayaa inay noqoto qofka ugu da’da yar ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad

Ayaan ayaa waxay ku soo baxday codad gaaraya 79 cod, waxayna ka guuleystay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas.

Kursiga ay ku guuleysatay Ayaan ayaa waxay tahay sumadiisu UH2, waxaana iska leh beesha Mirifle, Eelaay.

Zamzam Ibraahim Cali – Zamzam ayaa waxay hore u aheyd Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka 10-aad, waxayna Guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta.

Sidoo kale waxay aheyd guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka, waxayna si weyn ugu ololeysa una taageerta dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta.

Waxay ku soo baxday codad dhan 81 cod, kaasi oo ay kaga guuleysatay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas.

Zamzam ayaa maanta markale difaacatay kursigeeda oo sumadiisa tahay UH24, waxaana iska leh beesha Digil, Jiido.

The post Yey yihiin Ayaan iyo Zamzam? – Wax ka ogow taariikhda labada Senator ee maanta la doortay appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this