Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Jabuuti Oo Si Adag Uga Hadashay Rabshado Ka Dhacay Caasimadda Dalkaasi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Jabuuti)-Dowladda Jabuuti ayaa si adag uga hadashay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah caasimadda dalka Jamhuuriyadda Jabuuti  kuwas oo u dhexeeyay Qoomiyadaha walaalaha ah ee waada daga Jabuuti oo ah Soomaalida iyo Canfarta.

Wararka ayaa sheegaya in dad ku dhinteen rabshadahaas kuwa kalana ay ku dhaawacmeen inkasta oo aan illaa iyo hadda la caddeyn tirada dadka ku dhintay isku dhacyadaas. Balse dadka wax soo gaadheen ayaa la sheegaya inay shacab yihiin.

Sido kale waxaa jira guryo la guubay, booliska iyo ciidammada ammaanka dalka Jamhuuriyadda Jabuuti ayaa dadka rabshadaha dhigayay ku kala eryay suntan dadka ilmada ka keenta.

Dadka ayaa booliska ku tuurayay dhagaxaan iyo waxyaabo kale

Wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Jabuuti Saciid Nuux Xasan oo xalay fiidkii warbaahinta la hadlayayaya ayaa si adag uga jawaabay qulqulatooyinkii ka dhacay xaafado ka mid ah caasimadda isagoo sheegay in aan loo dul qaadan karin isku dhacyada ka dhacay Jabuuti.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this