Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka Hiiraan iyo taliska ciidanka Xoogga oo eedeyn culus u jeediyey AMISOM

Recommended Posts

Deeq A.   

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlayey howl-gallada ka socda gobolkaasi ayaa eedeyn u jeediyey ciidamada AMISOM.

Ugu horreyn Cali Jeyte oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti aysan wax shaqo ah ka qaban gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka gaabiyeen howl-gallada ballaaran ee ka socda deegaanada gobolkaasi.

Jayte ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, kuwooda ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle.

“Waxaan leeyahay shaqada ciidamada AMISOM dib haloo eego sababto ah ma qabtaan shaqadooda, waxay aheyd iney la dagaalaman Al-Shabaab, aniga waxan ahay guddoomiyahii gobolka waxan xaq ulaha iney i ilaaliyaan, anagoo dagaal u baxnayna way naga hareen sadax bilood ayaan ku qalqalineynay iney nala galaan howlgalada Shabaab aan kula dagaalameyno aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo aan waliba ugu tagnay xarumahooda wayna naga diideen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Dhankiisa Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad oo madasha ka hadlay ayaa xusay in ciidamada AMISOM aysan weli ka dhaqaaqin afar sano ka hor meeshii ay joogeen, isla-markaana aysan sameyn ilaa & hadda wax howl-gal ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xittaa aysan u ekeynba ciidamo nabad ilaalin u jooga gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Taangiga ciidanka AMISOM afar sano ka hor meeshii la dhigay ayuu wali ku baakiman yahay wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jirto mudada uu dalka madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maba u maleysid iney yihiin ciidan nabad ilaalin u joogo dalka” ayuu yiri taliye Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay).

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan eedeynta uga timid taliska ciidanka Xoogga dalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

The post Maamulka Hiiraan iyo taliska ciidanka Xoogga oo eedeyn culus u jeediyey AMISOM appeared first on Caasimada Online.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this